Friday 20 November 2015

Xamaasadi Xal ma ahan!.

Xamaasadu waa laab lakaca uu qof arin si gaar ah ula juboodo,ulana durbaan tunto.waxay muujinaysaa dareen gudaha kasoo burqanaya oo sheegaya sida qofkaasi ugu qanacsanyahay arinkaasi amaba dhacdadaasi.

inta badana xamaasadu masii raagto oo waa un sida farxada oo kale, oo adoo qoslayo baa laga yaabaa inaad  qadaad-qadaad udhacdid ood mar qudhaata ah oohin lasoo boodid ,halkaana ku soo gunaanadid farxadaadii iyo reynreyntii.
Innagu soomaalideena aad bay inoogu badantahay xamaasada,oo malihin kaadsiimo iyo ukuurgalid,judha aan wax maqalno amaba aragnaba mashxarad baan la dhacnaa,inagoon isweydiin waxani ma dhayal baa mise waa dhab.

Thursday 19 November 2015

Kaarka ha iska gubin!

Sumcada ama karaamada iyo kalsoonida aad bulshada ku dhex leedahay waa kayd hantiyadeed oo raandhiis iyo raasimaalba leh.hadba heerka ay sumcadaadu gaahsiisantahay ayayna noloshaada iyo dhexgalka bulshadaada ku sargo'naataa.
Aduunweynaha waxaa kajiro aadna loo adeegsadaa wax loogu yeedho liiska madoow(Black list)oo lagu aruuriyo dadka ay sumcadoodu waxyeeloowdo.
Shirkadaha,hay'adaha  dowliga ah iyo kuwa aan dowliga ahaynba waxay qofka ay maal ama mansab siinayaan marka hore eegaan saafinimada sumcada shakhsigaasi.
Haddii qofku diiwaankiisu fiicanyahayna way dalbadaan oo durbaba daf la dhahaan,haddii kalena ka didaan dadkana uga digaan.
Annagu soomaali ahaan liistadaasi waan leenahay,mase ahan mid qoran oo waa un qeyb kamid ah hadal haynta bulshada waxa loogu yeedho.qof walbana waxa dadku badankood kasheegaan ayuun baa lagu qiimeeyaa
Waxyaabaha kaarka Sumcada gubaahi ma ahan Xatooyada iyo xumaanfalka oo kali ah ee waxaa kamid ah:

Sunday 1 November 2015

Gadhka Xiidh ama Xaqiisa sii(Sheeko).

Hadda ka hor jeer aan joogay degmo kamid ah gayiga soomaalidu taal, baan sheeko reebtani kala kulmay.Waxaana jeclaystay inaan idinla wadaago.

Sidan ayayna sheekadu udhacday:-

Amin galab casar liiq ah oo cad-ceedu godka cidhifka lagashay ,dadkuna salaadii maqrib u hogbadeen, baa waxaa faras magaalaha tub haye ahaan usoo maray nin oday ah,ugaas ah oo waliba hargaanti ah.waxuu sii taxaashaba waxuu sheeda isha kalahelay meel maqaaxi ah,oo rag dhalinyaro ubadan gabranyihiin ,shaah casiriya ahna loo holanyahay ,waxaana isla buqcada isu bariiqa daadsanaa horin rag ah oo iska soo horjeeda laguna hareereeysanyahay.

Lawadaag Axsaabtaada kale.