Thursday 16 June 2016

Kabo-Calaf iyo walaalkiis Faarax.


Beri ayaa waxa jiray laba nin oo walaalo ah, labadaa nin mid waxa la odhan jiray Kabo-Calaf, ninka kalena waxa la odhan jiray Faarax, Kabo-Calaf ayaa weynaa Faaraxna wuu yaraa, Kabo-Calaf weli muu guursan, Dadku Kabo-Calaf waxay ku xamman jireen in uu yahay nin nacas ah, Faaraxna uu yahay nin fariid ah oo reerkoo dhan wax laga waydiiyo,
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxa dhacday, in degmadii ay degenaayeen Faarax iyo Walaalkiis Kabo-Calaf ay abaari saamaysay
Oo xaaluf iyo biyo la'aani ka dhacday, kadibna roob uu ka da'ay meel aan degmadoodii ahayn, sidii reer miyiga caadada u ahayd ayey soo sahamiyeen meel ay dejiyaan reerkooda oo doog leh, ka dib meel ayey u soo heleen wayna u guureeen, markii ay xoolihii degeen oo nimcadii meesha taalay ay afka dareen, ayey dhalinyaradii billaabeen ciyaaro habeenkii la tumo, sida Wiglada, Heelada, Walasaqada, Jaandheerta, heesahaa oo ay caado u ahayd in la tumo marka roobku da'o ee xooluhu u nimcaystaan, markaas oo dadka reer miyiga ahina ay raaxo dareemaan oo ay ka nastaan biyo la'aan, xoolahoodii dhibayey oo u nasta,
Had iyo jeer reer miyigu waxay is guursadaan marka roobku u da'o,
Xitaa haddii ay gabadh iyo wiil sheekaystaan oo ay heshiiyaan waxay odhan jireen, "marka roobku da'o ayeynu is guursanaynaa".

Waa maxay gabay?Q2aad

Gabay waa hadalmurtiyeed taxan oo ka kooban beydad mid waliba isugu xidhan yahay laba qaar oo leh qaafiyad iyo miisaan ka dhexeeya. Gabaygu qaran ahaan waa Hadal, qabiil ahaan waa Suugaan, qoys ahaan waa Maanso, qof ahaanna waa Gabay. Hadal wuxuu kaga tegey waxii aan murti ahayn ee hadal uun iska ah. Suugaan wuxuu kaga tegey sheeko, maahmaah, khudbad, maqaal iyo majaajillo. Maansana wuxuu kaga tegey geeraar, jiifto, buraanbur iyo dhammaan noocyada heesaha (guuroowgu waa gabay luuq duwan, shiribkuna waa hees). Haddii uu hadalku yahay dhawaaq la isku afgarto oo ka sarreeya dhawaaqa xayawaanku isku afgarto, gabaygu waa heerka dhawaaqaas oo kor loo sii qaaday laguna qurxiyey falsafad, khayaali iyo naaxiyad.

Monday 18 April 2016

Dhibaatada Tahriibka ma loo taag waayay?

Tahriibku(Illegal immigration)waa hayaanka ay dad ku galaan safar aanay ruqsad uga haysanin dalka ay doonayaan in ay tagaan .Waa iyada oo la qaado wado qar-dadeex ah si loo baal maro shuruucda socdaalka ee uyaala galitaanka dalkaasi.Si kale haddii loo dhigo waa qofka oo qaab koontarabaan ahaan ah ku gala dal shisheeye oo uu ka raadsanayo nolol iyo dhaqaale ka wanaagsan midka uu dalkiisa ku haaysto.
Safarkaasi oo bad,barri iyo cirba leh waxaa lagala kulmaa dhibaatooyin silic iyo saxariirba huwan oo isugu jira dhac,kufsi,xabsi,dhimasho iyo wax kastoo mashaqo ah.Laakiin waxuu qofka tahriibaha ahi maanka ku hayaa oo kali ah fursadaha uu heli karo kadib tahriibka waxuuna iska indho saabayaa khatarta ku gadaaman falka tahriibka.Inta badan waxaa dadka tahriibiya kooxo dambiilayaal ah oo loo yaqaano muqalasiin kuwaas oo ka ganacsada ladhuumaalaysiga dadka(Human Trafficking).

Sunday 10 April 2016

Oo Aadankaasi intana ma iiga soo horeeyay?

    Xiligu waa bartamihii Sagaashamaadkii(Mid90s),Waa amin Casir Liiq  ah,Waxaan Joognaa Meel Tuulo ah ,Labbo Maqaaxi oo iska ag dhaw baa ragu Gabranyahay(buuxkdhaafiyay),Waxaa loo hogbaday(la isu diyaariyay)Dhagaysiga Idaacada BBC da oo markaa ahayd Isha kali ah ee wararka Af-soomaaliga ku baxa Lagala socdo Miyi iyo Magaalabo(Xiligaas Dalkeena Mobile majirin,Idaacad Fm ah hasheegin,TV Afksoomaali ku baxana warkiisaba  Daay,Internetna Iskaba Iloow!.).

Saturday 2 April 2016

Halkan ka baro oo ka xafid Magacyada Alle(swt) iyo anbiyadiisa.

Magacyada Alle(swt).


هـــو ۞

الله ۞

الرحمن ۞

الرحيم ۞

الملك ۞

القدوس ۞

السلام ۞ 

المؤمن ۞

المهيمن ۞

Sida la moodayo ma aha!

                     

Soomaaliya maanta ma joogto ama way ka sii baxaysaa xiligii uu xaalku ahaay”Qofkii xoog lahoow xabagta gooso”,ee ruux walba lagu qiimeeyn jiray hadba inta ay la eg tahay tirada iyo tabarta reer tolkiis.Majiro maanta qof,qoys ama qabiil soomaali ah oo soomaaliya gudaheeda siduu doono iyo waxuu doono inta ka sameeyo bidix ka laafyooni kara.Ma jiro hogaamiye kooxeed,Siyaasi  ama qabiil amaba xitaa maamul-goboleed si aan gabasho lahayn quwadiisa gaar ahaaneed usoo bandhigi kara oo wax ku goosan kara ,xitaa kuwa jabhada ahi waa gacan ku gabad iyo gadaal kacabsato kunool duurka iyo dugaaga dhexdiisa waqti walbana filanaya in col iyo ciidan loo soo dumo.

Lama joogo waagii ay soomaalidu kaligeed ahayd ee iyada un is cunaysay.Maanta waa lagu kala dhex jiraa oo caalamkii oo dhan baa joogo.Waxaa is bedelay waaqici iyo waqtigii, wax badan oo qarsoonaa baa banaanka yimid oo aduunyadu goob joog uwada tahay.Wax badan baa lagasoo gudbay.Indhihii caalamka oodhan baa soomaaliya kusoo jeeda.Qorsheyaal iyo tabo badan badan oo loo dejiyay lana doonayo in laga hirgaliyo baa jira.Si kale haddii loo dhigo  toos ayay aduunyadu arimaha soomaaliya gacanta oogu haaysaa.

Iska ilaali Isbaarooyinka Internetka.

Sawirka Abdulrazak Maalin Elmi.
“wiil yahoow waxaad adi lahayn –laguma weynaado.
Wax aad waaya maashaba nin leh baa- weel usoo cugan'e”.abwaan soomaaliyeed.
“ Naagtii xun naagtii xadaa -kaaga sii darane,
Bisaduhu iney tuugsadaan –kama gaboobaabe” .Dhoodaan.
Waa maxay Isbaaro?
Erayga isbaaro(waylay),waxuu isticmaalkiisu aad ugasoo shaac baxay gayiga soomaalidu degto hilaadii sagaashameeyadii ,kadib bur-burkii qarankii soomaaliyeed,waxuuna ahaay mid maqalkiisa laga argagaxo ,islamarkaana qalibiga ku soo tuura dhac ,kufsi,dil iyo boob loogeeystay tub haye tabar daran,halka kan wax dhacayna si sahlan ku helay hanti uusan dhib iyo dhididtoona usoo marin’

Tuesday 8 March 2016

Maxay dadaaladeenu badankood uguul dareystaan?

Inta badan waxa aynu aragnaa dad soomaaliyeed oo isu abaabula in ay abuuraan ururo,shirkado ganacsi,xizbiyo,xarumo bulshadeed,hay'ado amaba dowlado iyo maamulo.Balse muddo kooban kadib waxaa la arkaa dadaalkoodii oo dab beelay ama kala daatay.Haa oo guusha iyo galladuba Rabbigeen baa bixiya,se waxaa jiro sababo ay ku imaadaan ama hooyo u ah.
Haddaba waxa aan halkan kusoo koobi doonaa qodobada aan isleeyahay waxa ay sabab uyihiin guul darooyinkaasi,Waxa aana isku dayi doonaa inaan mid walba raaciyo sharaxaad iyo talo bixin kooban.
Qodobadaas oo ah kuwan hoos ku xusan:-

Lawadaag Axsaabtaada kale.