Thursday 22 June 2017

Axkaamta Ciidul-Fidriga iyo Sakaatul Fidriga.


Alle ayaa mahad dhammaanteed u sugnaatay , ammaan iyo nabadgalyana nebiga dushiisa ha ahaato , waxaan jeclaystay inaan halkan ugu soo koobo  axkaamta ciidul-fidriga iyo sakaatul-fidriga oo ah kuwo foodda inagu soo haya walaalaha muslimiinta ah ee ay u suurtagasho inay maqaalkan akhristaan, waxaynuna axkaamtan ka dheeganaynaa kitaabka iyo sunada, allena waxaan ka rajaynayaa inuu acmaashii suubanayd ee aynu ramadaan samynay inaga aqbalo, ramadaan kadibna uusan ina fitnayn :

Waxaynu ku hormaraynaa zakaatul fidriga, axkaamtiisana waxay tahay :
1-Xukunka sakaatul-fidriga: sakaatul fidrigu waa waajib, wuxuuna waajib kuyahay qof walba oo muslim ah, yar iyo weyn, adoon iyo xor .
2-Wuxuu gaar ugu waajibayaa qof walba oo muslim ah oo haysta wax dheeraad ka ah wixii uu quudan lahaa isaga iyo cidda uu masruufaa maalinka ciidda iyo habeenkiisa .
Fiiro gaar ah : qofku wuxuu ka bixinayaa naftiisa iyo cidda nafaqadeedu ay ku waajibayso .
3-Xikmadda loo jideeyay nebigeena – ammaan iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee- ayaa inoo qeexay oo waxay tahay :
A-In lagaaga dhaqo wixii laqwi iyo hadal aan fiicnayn iyo camal aan fiicnayn ahaa ee aad samaysay ramadaankii gudihiisa .
B-Waxay quudin iyo ka farxin u tahay masaakiinta .
4-Cuntada la bixinayaa waa cuntada wadankaa laga isticmaalo, tusaale ahaan soomaaliya waxaa laga isticmaalaa bariiska , daqiiqda, baastada, hadhuudhka, digirta ikk.
5-Waxa la bixinayaa waa saac(hal-beeg xiligii nebiga wax lagu beegan jiray), oo miisaan ahaan u dhigma sida soomaalidu ku bixiso 2.5 kg laba kiilo iyo badh .
6-Waqtiga ay waajibaysaa waa marka maalinka bisha ramadaan u danbeeya  qoraxdiisu dhacdo .
7- Waqtiga la bixinayaa waa laba waqti :
A- Waqti fadli badan oo ah subaxa ciidda ilaa inta ka horaysa salaada .
B- Waqti ay banaan tahay in la bixiyo oo ah laba maalmood ciidka ka hor .
8-Cidda la siinayaa waa faqiirka iyo miskiinka, waana inay gaadhaa salaada ciidda ka hor ama wakiilkiisu u gudoomaa, haday salaada ciidda ka dib marto waa sadaqo ee sako ma aha .
Waxaynu insha allaah haddana si kooban u tilmaamaynaa axkaamta baaqiga ka ah ciidul-fidriga waxaana kamid ah:-
1-Ugu diyaar garow ciidda inaad maydhato ama qubaysato xidhatana dharka aad heli karto kan ugu qurxoon ee jidhkaaga asturaya sharciguna ogolyahay .
2-Inta aadan ciidulu-fidriga u bixin cun xabado timir ah tiro is-dheer ah (saddex, shan, todoba iwm) .
3-Bilow takbiirta marka aad guriga kasoo baxdo adiga oo korna u qaadaya -dumarku yagu hoos bay uqaadayaan- ilaa masalaha aad ka timaado, kadibna ilaa imaamku salaada u istaagayo .
4-U soco masalaha adiga oo aan gaadiid saarayn balse lugaynaya hadii aan duruuf kugu kalifaysaa jirin gaadiidka .
Fiiro gaar ah : waxaa fadli badan oo sunne ah in masalayaasha iyo magaaloyinka banaanadooda ciidda lagu tukado duruuf mooyaane sida : roob, dabayl daran iyo dhoobo .
5-La tuko imaamka ama hadaad imaam tahay tuki dadka marka qoraxdu dhulka ka kor noqoto laba rakcadood oo aan adin iyo aqim toona lahayn, rakcada hore waxaad takbiiranaysaa todoba takbiirood oo tii xidhashadu ku jirto tan danbene lix takbiirood oo tii lagaga soo kacayay sujuuddu ku jirto .
rakcada hore ku tuko suurada Al-aclaa ( sabixisma ) ta danbena Al-qaashiyah(hal ataaka xadiis ) ama ta hore Qaaf ta danbena Al-qamar ( iqtarab ).
dumarku masalaha ciidda waa la keenayaa mid daahir ah iyo mid kaleba, ta daahirka ahi way tukanaysaa, ta aan daahirka ahaynina ma tukanayso balse khayrka ayay xaadiraysaa iyo waanada .
6-Hadii jimce iyo ciid is waafaqaan qofkii ciidda tukaday jimce waajib kuma aha. ruuxii labadaba tukadana dhib kuma jiro .
7-Qofkii salaada ciidu ay dhaafto wuxuu u qalaynayaa sidii ay ahayd .
8-Ka digtoonow walaalka muslimka ahow iyo walaasha muslimada ahay waxyaabo sharcigu aanu ogolayn inaad ku kacdo ciida sida : inaad xidhato labis xaaraan ah , dumarka oo isqaawiya, amaba is cadriya, ragii oo hoos-guntiga canqawga ka hoos mariya, raga iyo dumarka oo is dhexgala, heesaha iyo muusikada oo la dhagaysto, gadhka oo la xiiro, timaha oo madoobayso ama xinne balaag la mariyo ikk .
ALLE CIIDA AMNI IYO IIMAAN HA INAGU GAADHSIIYO
W/Q: Muxamed sh.Aadam weli

No comments:

Lawadaag Axsaabtaada kale.