Wednesday 20 September 2017

6 Qodob oo kuu sahlaya in aad ku gacan-sareysid dood walba oo aad gashid.

Mid kamid ah xaaladaha nolosha ee ugu qiiro adag ayaa ah doodda.Ha ahaado qof aad jeceshahay,necebtahay,yasaysid ama aadan aqoonine,waxaa hubaal ah in doodu ay sare uqaadi karto wer-werka iyo cadaadiska dhiiggaada,xaraaro iyo xamaasadna kugu beeri karto.Waxa aad ubaahantahay degenaansho,debecsanaan, dulqaad iyo daliil adag si doodaadu u ahaato mid xikmad iyo xiiso xanbaarsan oo dadka soo jiidata.Waxaa kale oo xaqiiqa ah in Qof walba oo innaga mid ahi  uu aad unaawilo in uu noqdo doodaa aan la loodin karin oo aan marnaba laga libin helin.
Haddaba,waxa aan qormadan kooban haddii eebbe idmo ku qaadaa dhigi doonaa lix qodob oo uu kuu sahlaya inaad marwalba ku gacan sareysid doodaha aad galaysid.Lixdaasi qodob waxa ay kala yihiin;-
1.Ogoow xaqiiqadaada;-Inta aadan dooda galin is weydii oo aad ooga baaraan-deg  in waxani yihiin maalacyi aan meelna gaadhaynin lugo adagna ku taagnayn iyo in ay tahay dood dhab kudhisan,dhil-dhilan,dheelitiran oo dhamaystiran.Adeegso cadeymaha doodaada gun-dhigga unoqon kara oo idil.





2.Udiyaar garoow in aad aragtid muuqaalka qof kale;-tani micnaheedu mahan inaad cadowgaada waafaqdid si aad u ogaatid halka uu taaganyahay,se haddii aad rabtid inaad guulaysid wa inaad ogaatid qaabka uu ladoodahaagu wax u arko iyo xaaladaha dhabta ah ee uu kusuganyahay(dhankiisa adag iyo dhinaciisa jilicsan).Inaad sawirka ka heshid maskaxda qofka kaasoo horjeedo waxa ay kuu ogolaanaysaa in aad soo dhiraandhirisid waxa saameeynaya.waxaa laga yaabaa in ay cabsi dareemayaan,isku dhexyaacsanyihiin amaba ay xanaaqsanyihiin.waxaa dhici karta in ay garanayaan wax aadan ogayn.Si kasta oo ay ahaataba,Shucuur-wadaagis(empathy)aad muujisaahi waxa ay dejinaysaa jawiga dooda,waxa ayna suuro galinaysaa inaad xal gaadhaan oo doodiinu midho dhal noqotaa.

3.Haddii aadan maskax furnaani karin,ugu yaraan ku dadaal inaanan lagaa dareemin;-Inaad ahaatid mid is difaacaya un oo madax adag waa mid ka mid ah noocyada oogu xun ee aan kollaba suuro galinaynin inaad dood gulaysatid.ha u oggolaanin in kasoo horjeekaadu dareemaan in aad tahay mid booskiisa un xajisanaya ee aan jid galin jidna ka bixin.marwalba umuuqo mid xal doon ee aan xujo ujoog ahayn.

4.Xammaasadaada xakamee:-waxa iska cad in qiiradu ay bedeli karto qaabka aad dooda uqiimeynaysid amaba uwajahaysid.Sidaa aawadeeed waa muhiim ah in aad kontarooli kartid dareenkaada ama shucuurtada.Si degan wax udhagayso oo qoro waxii aad isleedahay waad hilmaami kartaa si aadan hadhow u odhan iigu soo celi.

5.Ku rajo weynaaw in dooda xal loo heli doono;-Inkasta oo doodu tahay nooc dagaalka kamid ah oo shiddadeeda wadata haddana waxaa lagama maarmaan ah inaad niyadsami muujisid ooaad naawishid in doodu midho dhal noqon doonto taas oo kaa baajinaysa inaad niyad jabtid oo aad noqotid"Fuleeyoow libini kuu dhawaydaa".

6.Xurmee dadka kula doodayo:-waxaa suura gal ah inaad guulaysatid ama guul dararsatid.Sidaasi daraadeed,marnaba ha caayin oo ha ceebeynin qofka kula doodayo,xitttaa haddii uuyahay shakhsi aadan dib danbe u arki doonin.Waxaa muhiim ah in ayna marnaba doodu dhaawicin xidhiidhkiina qof ahaaneed.

Qoddobadani iyo qaar kale oo badani waa xeeladaha iyo tabaha uhu habboon ee qofka ka dhigi kara mid marwalba ku guulaysta doodaha iyo murannada uu lagalo dadyowga kale.waxa kale oo muhiim ah in alle kacabsiga iyo is xaq dhowrku uusan marnaba meesha ka bixin.

Tixraac;-

https://www.psychologytoday.com/blog/fulfillment-any-age/201408/6-ways-win-any-argument
http://www.lifehack.org/articles/communication/how-to-win-arguments-dos-donts-and-sneaky-tactics.html

No comments:

Lawadaag Axsaabtaada kale.