Sheekooyinka.

Suldaan Olol Diinle iyo Odayaashii Reer Shabeelle!.

Waxaa la sheegay in ;
Suldaan Maxamed Suldaan Diiriye(Olol Diinle) oo ahaan jiray hogaamiyihii Boqortooyadii Gareenka(gareen Dynasty) oo waa hore katalin jiray agagaarka Qallaafe iyo Diisha wabbi Shabeelle ,uu maalin maalmaha kamid ah ganaax dul dhigay beel kamid beelihii boqortooyadiisa hoos joogay.ganaaxaasi oo gaadhayay boqol sacaad oo lo'ah ,waxuuna uqabtay waqti cayiman oo ay ku keenaan xoolahaasi.

       Odayaashii iyo wax garadkii beesha oo shir yeeshay kana arinsaday arinta lasoo deristay baa isla qaatay inayna heli karin hurina karin hantida intaas la eg eelagusoo rogay.waxayna go'aan ku gaadheen inay suldaanka utagaan una sheegaan go'aankooda.Odayaashu waxay iska dhex doorteen ninkii uhadli lahaay ,iyagoo isku raacay qaabkii uu hadalka usoo dhigi lahaay oo ah sidatan:
Af-hayeenka Beesha: Aabe olol:
Suldaan Olol: Hiiiii
Af-hayeenka Bessha: lo'diid noo dirtay:
Suldaan Olol: Hii
intaas markay dhacdo in odayaasha oo dhan mar qudhaata isla wada dhahaan::waan soo waaaaaaaynay.si suldaanku uwaayo qof gooni ah oo uu arinkaasi uciqaabo.
markii ballantii lagaadhay ee suldaankii la hortagay baa af-hayeenkii hadalka sidii lagu ballamay ku billaabay:
aabe Olol:Lo'dii aad noo dirtay :Halkaas markuu marinayo ee la rabay in hal mar ah la isla jiibiyo waan soo waaaaaynay buu arkay odayaashii oo wada gorosaya afkana xidhay hal qof ahoo hadlaayana uusan jirin iyo suldaankii oo indhaha ku soo gaduudinaayo,waxaana ucadaatay inuu baxar ku jiro loona baahanyahay inuu is bad-baadiyo.
Deetana inta maskaxda kashaqaysiiyay buu si deg deg ah u yidhi"in la eg baan kusoo daraynaa"taasoo ka dhigan waxaan go'aan kusoo gaadhnay inaan bixino boqolkii sacaad eed noo dirtay iyo boqol kaloo sabeen xidh ah.
sidaas ayuu odaygii af hayeenka ahaay isku bed baadiyay,Suldaan Ololna ku qancay ,Odayaashii Ballanta kabaxayna Qaan hor leh kusoo raacday.
Hadda, waxaan ka cabsi qabaa in Xildhibaanadii madaxweynaha mooshinka ka keenay ee uu ka fashilmay ay yidhaah:Madaxweyne Xilka Waa kuu kordhinay.



No comments:

Lawadaag Axsaabtaada kale.